Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid iyo Wafti uu Hogaaminayo oo gaaray Dhooblay

sayid

Wafdi uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan islamarkaasina ay qayb ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo gaaray deegaanka Dhooblay ee gobolka jubbada hoose.

Wafuudan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo deegaanka ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qayb qaatay maamulka degmada Dhoobleey iyo qaar kamid ah bulshada ku nool degmada Dhooblay.

Wafdigan ayaana deegaanka u yimaaday howla shaqo uu muhiim ah bulshada oo ay kamid yihiin xal u helida beelo isku dagaalamay deegaanadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.