Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.
Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubbaland.
Waxaa Xusid Mudan in Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Degmo loo aqoonsaday 1990, hadalka hada kasoo baxay Maamulka Axmed Madoobe waxuu kasoo horjeeda in degmo loo aqoonsado Magaalada Ceelcade ee Gobolka Gedo.
Leave a Reply