Daawo:Rooble oo ay ku Maqan tahay Lacagtii Abaaraha ayaa u dhoofay Gudashada Xajka

rooble

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya, halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah Wasiirada xilgaarsiinta ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhunsaday lacag dhan 1 Milyan oo doolar oo loogu talagalay abaaraha ka jira Soomaaliya.

1 Comment

  1. Illaahay kaacafin maayo
    Xaqunaaska laakiin dunubta
    Aad allaah kagashay marka shirki lagareebo lagayaabe
    Hadii xajka lagaa aqbalo
    In allah uu kucafiyo
    Rooble somalidu waay baratay
    Runtii nin baahan ayaa xilkàs
    Sare lòodhiibay asaguna
    Katabco ayaagashay siday
    Somalidu sheegeen
    Umalanmaayo kitibka lamaraayo
    Meel Cidlo ah inuu dhacaayo
    Xaaraan malagu xajinkaraa
    Jawaabtu waa maya,,,,,,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.