Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

boosaaso

Xiisad dagaal oo sababta dhimasho & dhaawac ayaa ka dhalatay wefdi ay hogaamineysay Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Salaad taasi oo laga celiyay Garoonka diyaraadaha Boosaaso.

Wefdiga waxaa ay wadeen gargaar ay Dowlada Soomaaliya u soo dirtay Puntland kaas oo sidan oo kale dhawaan la geeyay gobolada Dalka Sida Garowe iyo Gobolka Gedo meelo kamid ah.

Ma cadda cida rasmi ah ee bixisay amarka celinta gargaarka iyo wefdiga Dowlada Federaalka.

Ciidamada PSF & Ciidamada PMPF ayaa ku dagaalamay afaafka hore ee Garoonka diyaraadaha Boosaaso ka dib markii sidaas oo kale ciidamadan loogu diiday inay gudaha garoonka u gudbaan.

Israaaseynta oo qadar socotay waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho & dhaawac soo gaaray dhimacyada Dagaalamay & dad shacab ah welina lama helin tirada Rasmiga ah ee wax ku noqotay.

Waxaa loo badinaya in Ciidamada PSF ay garoonka u tageen sugida Amniga wefdiga la celiyay balse uu iska hor imaad dhexmaray ciidamada PMPF oo amniga garoonka hayay mudooyinkii danbe.

Diyaaradii wefdiga iyo gargaarka waday ayaa degtay iyadoo ilo wargal ah ii sheegeen in ay qaadaneyso shidaal uun keliya ayna dib ugu laaban doonto Muqdisho.

Geesta kale waxaa socda wada hadalo arinka lagu xalinayo iyadoo ilo wargal ah shegayaan in wefdiga Dowlada Federaalka ku adkeysteen inay laabtaan.

Xaalada ayaa degan hada walow ciidamada ay isku hor fadhiyaan qeybta hore ee laga galo garoonka diyaarradaha Boosaaso.

Xigasho SBC TV

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.