Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dowlada Kenya xalay la saxiixday heshiis aan dani ugu jirin Dowlada iyo Shacbka Soomaaliyeed kaas oo Kenya gacanteeda ku qoratay.
Dowlada Kenya ayaanan ogaalan inay aqbasho dacwadii bada ee loigu guulaystay, kenya magdhow iyo raali galin kama bixin isgaarsiintii iyo shacabkii soomaliyeed ee dilka iyo burburka hantiyadeed ay geysteen.
Leave a Reply