Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sawiro iyo sodhawayn aan
Faaiido lahayn ayaan arkaa
Dhax dhaxaadkii farmaajo uu
Kuladhaqamay aduunka xasan
Wuu kalaxaday kenya masar
Jabuti imaaraad ayuu garabka
Saaray waan eegidoonaa 100
Maalin sida aay u.akaato dowlada somalia xasan in uu
Xil qabto nasiib ayuu ulayahay laakiin in uu hagaajiyo somalia rajo
Umadu kamaqabto waayo sida
Hadii aad markasta aad
Tahay ninka baahan oo xataa
Africadii baahnayed aay kuu
Aragto qof liito waa arin
Nasiibdaro ah