Qarax ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Sooamaliya, kaas oo dhawaqooda si weyn looga Maqlay degmooyin iyo Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Taliye Xigeen Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad Alle oo faah faahin ka bixinayay Qaraxa ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen shaqsiyaadkii mootada ku waday, waxaana uu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen wadihii Mootada.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khasaare uusan jiran, aan ka ahayn shaqsiyaadkii qaraxyada watay.
Leave a Reply