Maalmo ka hor bay ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, uu hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka cusub ee degmada Cadaado, Faarax Diiriye Warsame oo noqday gudoomiyaha degmada Cadaado iyo Cabdixakiin Maxamed Cali, gudoomiye kuxigeenka degmada Cadaado, kuwaas oo lagu doortay degmada Cadaado.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Cadaado, sida hufan ee kartida leh ee ay shaqadooda uga soo dhaleeleen, una doorteen hogaan badala maamulkii hore ee degmada.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayn xusay in tallaabadan ay dhiiro galin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lana joogtayn doono si dhammaan degmooyinka Galmudug looga dhaqan galiyo gole deegaan oo soo doorta maamulka degmooyinka Galmudug.
Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ayaa waxay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ku qabatay Doorashada Golaha Deegaanka waxaana halkaas lagu Doortay 21 Xubnood oo kamida Golaha Deegaanka.
Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo laga Filaayey inuu Taageero doorashada golaha Deegaanka Balanbale sida Madaxwayne Qoorqoor u Taageeray Doorashada Golaha Deegaanka Cadaado ayuu waxuu soo saaray wareegti uu ku joojinaayo Golihii Deegaanka Degmada Balanbale ka hor intaysan Dooran Gudoomiye.
Beesha Mareexaan 16 Xildhibaan iyo Wasiiro, wasiir kuxigeen ayey ku lee yihiin Maamulka Galmudug kamana aysan Dhiidhiyin qaladka uu ku kacay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug.
Madaxwayne Qoorqoor ayaa Beesha mareexaan usheegay Golihii Deegaanka Caabudwaaq iyo Balanbal inay ka soconwayday Masuuliyiinta galmudug ku matala beesha Mareeaxaan sidaad darteedna aysan Maamulka Galmudug eed ku lahayn arintaas.
Leave a Reply