Sawiro:Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha Wasaaradda

fiqi

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud.Axmed Macalin Fiqi  ayaa maalintii labaad ka dhagaystay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Warbixino ku saabsan howlaha shaqada ee Wasaaradda iyo qorshayaasha u hortebinta u leh shaqada Wasaaradda.

Wasiirka Waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Mudane Ilyaas Ali Hasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amb.Abdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxaana kulankaan warbixino looga dhagaysatay qaybaha Xasalinta, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee wasaaradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.