Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay xafladda caleema saarka maamulka cusub ee degmada Cadaado oo ay golaha deegaanka degmada Cadaado soo doorteen.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi iskugu jiray heer federaal oo ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno iyo culumaa’uddiin, kuwaas oo saaka soo gaaray degmada Cadaado.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiinta labada gole ee dowladda Galmudug, maamulada gobolada Mudug iyo Galgaduud, qaar ka mid ah maamulka degmooyinka Galmudug, saraakiil, haween iyo dhalinyaro.
Leave a Reply