Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtay in Walliam Ruto uu yahay Madaxweyne sida saxda ah la doortay ee Kenya.
William Samoei Arap Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Kenya kaddib markii uu loollan adag ku galay doorashadii qabsoontay 9-kii August, 2022.
Leave a Reply