Madaxweyne kuxigeenka 1-Aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa manta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Hay’adda UNFPA oo si dhow ula shaqaysa qaar kamida hay’adaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kulanka uu Madaxweyne kuxigeenku la qaatay wafdigii yimid waxaa qayb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda Jubbaland kuwaas ugu dambayn kulan gaar ah la qaatay madaxda Hay’adda UNFPA waxayna ka wada hadleen xoojinta wadashaqaynta labada dhinac.
Ugu dambayn wafdigii Hay’adda UNFPA oo weheliyaan qaar kamida Wasiirada Jubbaland ayaa soo kormeeray goobaha ay degenyihiin dadka ay sida wayn u saameesay abaarta daran ee kajirta Dalka.
Leave a Reply