Madaxweynaha Dowlad Gobeleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee BFS, Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, xubno labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo looga hadli doono arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
Leave a Reply