Madaxweyne Laftagareen ayaa Kulan La qaatay Safiirada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhaba ku qaabbilay wafdi ka socday Safiirrada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp, James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirrada Beesha Caalamka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta howlgallada lagu ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab,wax u qabashada dadka ay Abaartu saamaysay iyo daadejinta adeegyada dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.