Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan ( Farxaan Qaroole), Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo maanta ku shahiiday deegaanka Basra xilli uu ku guda jiray howlgalka dalka looga sifeynayo kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.
“Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa ehelka iyo qarabaada Taliye Farxaan, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee dalka ka wada howlgalka lagu sifeynayo argagaxisada” ayuu yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye
Madaxweynaha ayaa xusay in Taliyaha iyo dhamaan geesiyadii ku shahiiday dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ay dhiigooda u hureen ummadda Soomaaliyeed, ayadoona tallaabadaas ay sii dhiiro-gelineyso in lasii joogteeyo howlgalka lagu xoreynayo dalkeena.
Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Taliyaha iyo intii la shahiiday, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka & qaraabada uu ka baxay.
Leave a Reply