Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa u Hambalyeeyay gudoomiyaha degmada Balanbal iyo ku xigeenkiisa, Cabdicasiis Xaashi Cali iyo Jaamac Muxumad Diini oo labaduba ku soo baxay doorashii ka dhacday degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Balanbal, sida hufan ee kartida leh ee ay shaqadooda uga soo dhalaaleen, una doorteen hogaan badala maamulkii hore ee degmada Balanbal, iyadoona madaxweynuhu uu uga mahad celiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, dadaalka ay ku bixisay ka mira dhalinta dhismaha maamulka degmada Balanbal.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayn xusay in tallaabadan ay dhiirogalin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lana amba qaado sidii dhammaan degmooyinka Galmudug looga hirgalin lahaa gole deegaan oo soo doorta maamulka degmooyinka dhiman ee Galmudug.
Leave a Reply