Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana Forum oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.
Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madaxweynayaal, mas’uuliyiin kala duwan, hay’ado caalami ah iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee Qaaradda Afrika.
Ra’iisulwasaare Xamsa oo la filayo inuu madasha ka jeediyo qudbad dhinacyo badan taabanayso ayaa wuxuu kaga hadli doonaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo kacdoonka shacab ee lagu cirib tiro haraadiga argagixisada Al-shabaab.
Ra’iisulwasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu shirku socdo wuxuu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galeysa madasha, isagoo kala sheekeysan doona sidii laysaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Leave a Reply