Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar aan la shaacin ku joogo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa maalintii arbacada aheyd ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay in safarka uu ka reebay oo aysan qeyb ka aheyn dhammaan shaqaalihii habmaamuuska iyo kuwii xoghaymaha u ahaa Madaxweynaha.
Safarka Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa wafdiga horey u raacay Madaxweynaha la koobay, iyadoona la xaqiijiyey in socdaalka aysan sidoo kale qeyb ka aheyn Mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda iyo kuwa Madaxtootada Soomaaliya.
Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegayaa inuu yahay Mid Caafimaad ama Mid uu Dhaqaalo asaga u Gaara kaga Doontay Dalka Imaaradka Carabta.
Leave a Reply