Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray Xulka Qaranka ee ka yar 17 jirada.
“Waxan hambalyo u dirayaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Somalia oo maanta ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa guul taariikhi ah oo Somalia u soo hoyatey markii 1aad. Waxan sidoo kale hambalyo u dirayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia, tababareyaasha iyo dhammaan hawlwadeennada kooxda oo kaalin muuqata ku lahaa guushan weyn ee maanta ay Somalia gaartey. Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aways.
Leave a Reply