Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee ka yar 17 jirada guusha ay usoo hoyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Hambalyo guusha ay soo hooyeen Xiddigaha 17- jirrada ah ee Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee tartanka da’ yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in niyadda loo dhiso, mar walbana la garab istaago.
Waxaan ku bogaadinayaa maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada Xulka kubadda Cagta guushan taariikhiga ah.
Leave a Reply