Sawiro:Rooble oo Ka Qayb Galay Kulan Loogu Tacsiyeynayo Dadkii ku dhintay Dagaalkii Hiiraan

xamse

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato halganka dib-u-xoreynta.

SO

EN

عربي

WararkaGudaha

Ra’iisul wasaare Xamse “Shuhadada dagaalka bilad sharaf weyn ayay ka heli doonaan Dowladda iyo dadkeeda”

October 22, 2022

La wadaag cid kaleFacebookMessengerWhatsAppTwitterLinkedIn

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato halganka dib-u-xoreynta.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno Khawaarijta, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah, wuxuu bilad sharaf weyn ka heli donaa Dowladda iyo dadkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad iyo dadka taagan
Waxay noqon kartaa sawirka 3 dad
Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dadka taagan iyo dad tiro badan
Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo fadhiya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.