Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
- Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
- Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Leave a Reply