Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS iyo Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada dalka.
Kulankaan waxaa ujeedadiisu ahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Awqaafta, heer federaal iyo heer dowalad goboleed,gaar ahaan dadaalada ku aaddan hawlgallada dalka looga xoreenayo Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” waxa uu bogaadiyay kaalinta hormuudnimo ee Wasaaradda Awqaafta ay ka qaadaneyso jiheynta dadaalada dalka looga samatabixinayo khataraha Al-Shabaab.
Leave a Reply