Madaxwaynaha Galmudug oo Dhuusamareeb Dib ugu Soo Laabtay kadib Safar uu ku tagay Muqdisho

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib safar shaqo oo uu maalmihii u danbeeyay ku joogay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.