Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in laga helo wejiga 4-aad ee JPLG.
Ugu horreyn, wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka shaqada lasoo qabtay isaga oo intaa raaciyey in mashruucan uga duwan yahay kuwa kale inuu yahay Mashruuc ka wada shaqeeya dhammaan Soomaaliya haba ku xoogganaadee Puntland iyo Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ka hadlay oo kale meelaha uu ku fiicnaa iyo caqabadaha heystay isagoo sheegay in lagu ammaani karo arrimaha kobcinta iyo awood dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaa uu soojeediyey in caqabadahana ay isla xaliyaan dowladda iyo deeqbixiyeyaasha.
Wasiirka waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in Dowlad Goboleedyada kale iyo Gobolka Banaadir na uu Mashruucani uu xoogga saaro in looga faa’iideeyo iyadoo caqabaduhu ka yaraanayaan kuwii hore maadaama la hayo casharradii Mashruucan laga soo bartay Maamullada Puntland iyo Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa soo qaatay qodobbada ay ka doonayaan ka dowlad ahaan in wejiga cusub ee 4-aad laga helo:
- Inaan qaabaynta (Programme design-ka) wax badan ku kordhino, waxaa soo aan u aragno in dan Dalka iyo dadkaba ugu jirta.
- Wejigaan 4-aad ee Mashruuca JPLG sida kulankii Dowladda ee 12/11/2022 kasoo baxday waxaan rabnaa in Dowladdu ay maalgelintiisa qayb ka noqoto oo Dowladdu dhaqaale horumarineed degmooyinka u qoondayso, keliya aan lagu tiirsanaan hay’adaha iyo donors-ka.
- Inaan cashar ka baranno caqabadihii wejiga 3-aad gaar ahaan dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta shaqooyinka sannadlaha ah.
- Maadaama Degmooyin badan ay dhismeen gaar ahaan GalMudug iyo Koonfur Galbeed Kuwa badanna ay hadda dhismaayaan oo qorshaysan yihiin waxaan rabnaa in wejiga 4-aad aan ka ballaarino qoondada Dowlad Goboleedyada Qoondooyinkii hore ee wejiga 3-aad ku jirtay si loo badiyo degmooyinka ka faa’iidaaya Mashruucaan.
- Waxaan rabnaa in wejiga 4-aad Mashruuca lagu soo kordhiyo arrima muhiim aan u aragno sida;
- Arrimaha Demuqraadiyaynta Degmooyinka (in loo diyaariyo in degmooyinku gaaraan in shicibku iyagu doortaan cidda dooranaysa).
- Isbedelka cimilada (climate change), waxaan rabnaa ka jawaabidda isbedelka cimilada dowladaha hoose door muuqda ku yeeshaa.
Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay fududeyneyso wax kasta oo dhanka heer federaal ku xiran, isaga oo rajeeyey in wejiga 4-aad uu noqon doono mid wax badan ka bedela hab-Nololeedka dadka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowladnimo, oo degmooyinka qaarkood lagu soo doorto bannaanka qof iyo cod.
Leave a Reply