Sawiro:Wasiirka Warfaafinta oo isbitaalka ku booqday dadkii loo qaaday dalka Imaaraadka

daauud

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Zoobe ee Muqdisho ka dhacay 29 bishii la soo dhaafey ee October.

Wasiirka oo ay wehliyeen ku simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay dhakhaatiirta isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital.

Dhakhaatiirta ayaa wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan daweyntu ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo. Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xubin ka ah Guddiga Golaha Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Zoobe, ayaa dhaawacyada Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib ugu celiyo dalkoodii hooyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladda iyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed markii uu ku habsadey mashaqada ay geysteen Khawaarijta argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.