Aadan Madoobe oo Bulshada Koofur Galbeed ugu baaqay Shir wada-tashi ah

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), markuu la tashaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur-galbeed Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, ayow ku  baaqay shir dib-u- heshiisiineed.

Shirkaas oo ay ka soo qeybgalayaan siyaasiinta, odayaasha Dhaqanka, Culuma’udiinka iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee reer Koonfur Galbeed, ayadoo madashada shirka ay noqon doonto Magaala Madaxda ku-meel- gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.