Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland ayaa shir gudoomiyay shirka billaha ah ee amniga Jubbaland

sayid

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo bishiiba mar la qabto islamarkana dib u eegis lagu sameeyo howlgalada wadajirka ah iyo shaqooyinka hay’adaha amniga.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku jira golahan, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka, ATMIS iyo Madax ka socotay UN-ka.

Waxaa shirkan diirada lagu saaray howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada kala duwan ay sameeyeen iyadoo warbixino lagaga dhagaystay Taliyeyaasha Ciidamada iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgalada khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.