Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.
Madaxwayne Deni ayaa sheegay Hay’adaha amaanka Puntland iyagaa ugu daran oo Mukhaadaraadka gada, caba oo qaybiya, saraakiishana halkaanay fadhiyaan waxba isu qarin mayno.
Leave a Reply