Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa ka hadlay kiiska maalmahaan sida weyn loo hadal hayay ee ku aadan dilka wiil dhalinyaro ahaa oo lagu Dilay bilo ka hor deegaanka Macaani ee Duleedka Magaaladda muqdisho.
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in kiiska dad dano gaar ah wata ay si kale u dhigeen,islamarkaana waddo saxan loo maray xukunkii dhawaan lagu riday nin shabaab ahaa oo lagu eedeeyay dilka Maxamed Xaashi Faarax.
Waxa uu sheegay in shabaabka la xukumay uu rasaas ku furay ciidamo ka Tirsan kuwa Taraafikadda oo xalinayay shil ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,islamarkaana shilkaas uu ku dhaawacmay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax,markii dambe dhintay.
Leave a Reply