Daawo:Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qayb-galay Aaska Marxuum Maxamed Diiriye Daarood

muuse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Uubaale ee koonfurta Hargeysa Hargeysa loogu sameeyey marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa odayaasha talo-qabeenka ah ee reer Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan iyo dadweyne oo aad u tiro badan, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuum Maxamed Diiriye Cige oo waqti badan soo geliyey islaaxa iyo midaynta ummadda reer Somaliland, islamarkaana maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsida kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa haldoorka astaanta u ah nabadda iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey nabad-doon tacab badan geliyey sidii ay bulshadiisu wada-jir ugu horumari lahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.