Madaxwaynaha Jabuuti oo Muqdisho Soo Gaaray iyo Qasaaro dhaqaale oo u Gaystay Shacabka Soomaliyeed

Ismaaciil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Intaas kaddib, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu weheliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan-qaaday Madaxda soo-dhaweynta ugu timid ee heer-dowlad goboleed iyo heer Federaal oo ay ka mid ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Kuxigeenkiisa, Wasiirro iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo Imaatinka Madaxwaynaha Jabuuti dalka Soomaaliya ayaa Sababtay in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waa waayaan dhaqaalo badan oo kasoo gali jiray duulimaadyada, waxaa kaloo dalka dibadiisa ku xayirmay Shacab Soomaliyeed oo u soo socday dalkooda kuwaas oo loo sheegay inaan laga dagi karin garoonka Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.