labada Aqal ee Barlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2023-ka

barlaman

Guddoonka labada Gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeenada labada gole ayaa ka qaybgalay fadhiga kulanka wadajirk ah ee lagu ansixinayay Miisaaniyadda Qaranka 2023-ka

Kadib akhrinta saddexaad oo la marsiiyay Miisaaniyadda Qaranka, meelaha qaarna sixid iyo toosin lagu sameeyay ayay Xildhibaannadu cod gacan taag ah ugu codeeyeen, waxaana ogolaatay 172 Mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaali Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Xildhibaannada iyo guddigii kala soo shaqeeyay Miisaaniyadda uga mahad celiyay sida ay u qaateen doorkooda wax ku oolka ahaa iyo ssida wadar ogolka ah oo ay ugu codeeyeen Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2023-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.