Soomaaliya oo Imaaradka oo Ku heshiiyey in dib loogu Soo celiya Xeryihii Farmaajo Ka Xiray

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa iskaashi dhanka militeriga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ah la saxiixaxday dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

Iskashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in Xeryihii Ciidamada lagu toobabari jirey ee Magaalada Muqdisho dib loo wareejiyo imaaradka kuwaan oo Dowladii Farmaajo Xirtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.