Miinooyinka Ismaaciil Geele Ku Aasay Todoba Bilood Soomaaliya oo Qarxay

ismaaciil

Isbedelkii siyaasadeed ee 15kii May 2022 ka dhacay Soomaaliya  waxay guul u ahayd cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ay safka hore kubada ka ciyaarayeen,Uhuurihii Keenya ee daadku qaaday ,Imaaraadka, Masar iyo Cismaaciil Cumar Geelle oo ah cadaw ayyan Dadka Soomaaliyeed marna filayn in uu Soomaaliya iyo dadkeeda dhagar u maleegayo,waxaa igu soo dhacday laba maahmaahyood (TUUGO KULA TAALAA TAB KUUMA WEYDO IYO CIIRTAADA DHAME BAA CAYDAADA YAQAANA, MARKALANA WAXAAN IS IRI MALAHA WAY HABOON TAHAY IN AAN DHAHO KAAF IYO KALA DHEERI IYO KAAN U DHIGTAYBA MAAHA).

Aan ka soo bilaabo wixii Keenya iyo Soomaaliya dhex maray iyo gudigii Reer Jabuuti ee Cismaaciil Cumar Geelle Magacaabay markii IGAD u xilsaartay Jabuutiga aan walaalaha nahay in ay warbixin sugan ka keenaan waxa dhexyaal Keenya iyo Soomaliya oo arintu ku denbeysay in Soomaaliya Gardarada leedahay, qof kasta oo Soomaliya waxay ku noqotay (YAAB IYO DHAMANA HAYS).

Intaas wixii ka danbeeyey dagaalka Cismaaciil wuxuu ahaa mid qaawan oo waxa ku xigtay in kursigii na dhex maray ee aanu niri waa walaal yarana ee u tur oo aan uga kacnay oo ku fariisinay uu noogu codayn waayey oo codkii noo diiday, sow maaha (SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA HAMBAYN) Intaas ka soo kac labadii bilood ee u denbeysay waxaa dhacay laba arimood oo mudan in Soomaalidu dib u eegto:-

1-Arooskii la yaabka lahaa ee beeleysnaa oo ka dhacay Jabuuti oo indhaha Soomaalida mar soo wadajiitey,oo lays weydiiyey maxaa looga jeeda, laakiin jawaabtii nin walba waayey waxaa sheegay Cismaaciil Cumar Geelle,oo afka ku dhuftay in madaxdayadii Xamar ka timid (AY BUURWEYN OO KU HOR GUDBANEYD KA DUMIYEEN, XAFLADAAN IYO AROOSKAANA YAHAY ABAALMARIN). Intaas (NINKII GARANAYAA WAA GARTAY NACASNA LOO SHEEGI MAAYO).

2-Waxaa taas xigtay booqashadii hadal haynta badan dhalisay,oo dhibka badan u soo jiiday shacbiga reer Muqdishow wax loola jeedayna ilaa hadda cid garan karta ayyan jirin,isku soo wada duub dhammaan arimahaas waxay ahaayeen qaraxyo uu maleegayey Cismaaciil Cumar Geelle fiilada qarxisada ah wuxuu iskugu talaalay Hargeysa iyo Xamar waxayna qaraxday 12 maalmood ka hor markii Dilkii XADRAAWI KA DHACAY Laascaanood ee noqotay (LUR HORE BAA LAQANYO KICISA).

Inta aanan soo gunaanadin aan soo qaato murtidaan dhahaysa (LAACA ARAGTAYE LAAGTA MA OGTAHAY), qorshii shirarka Jabuuti iyo Xamar kalahaa Cismaaciil Cumar Geelle waa gaaray assagu oo waxay ahayd in uu Soomaaliya u celiyo 1991kii laakiin waa sababta aan maahmaada danbe u soo qaatay  madaxdii Soomaaliya ee ay horboodayeen MW Xassan Shiikh Maxamuud iyo Horjoogaha Gobolada Waqooyi Muuse Biixi booranta loo qoday mayan garan,oo magacoodii iyo maamuuskoodii god lagu ridey waxaan ku soo gunaanadayaa arimahaan:-

1-Laascaano waxaa ku dhintay dad badan oo anan tirada haynin.

2-dadkii Deegaanka oo  15 sano dilal ku socdeen waa xarka goosteen.

3-Xanuunka laascaano wuxuu gaaray shanta Soomaaliya,wuxuuna marayaa habarwacasho IRIR IYO DAAROOD AH haddaba Cismaaciil hashiisu dhashay oo wuxuu rabay in Soomaalidii soo kabneysay dib u celiyo yaa garan kara miraha ay ka guranayaan MW Xassan sheikh Maxamuud iyo Muuse Biixi?

4-Dadka Reer Laascaanood ee banaanka taagan oo madaxa ku sita calanka buluuga ah hal ku dhegooduna yahay SOOMAALIYA HA MIDOWDO, SOOMALIDIID DOONI MAYNO, ma mudan yihiin in la qabyaaladeeyo oo Soomaali IRIR IYO DAAROOD BUUN AH LOO TUMO WAA SIDA CISMAACIIL CUMAR GEELLE KU TALAGALAYE, MISE WAXAAN ISKUGU TAGNAA CALANKA BULUUGA AH IYO MIDNIMADA AY DHIIGOODA U DAADINAYAAN reer Laascaanood? Maxay adiga kula tahay akhriste?

Wabilaahi Towfiiq,Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

1 Comment

  1. Aniga waxay illatahay in aan garage lesion shaydanka Ismaacil Cumar geele ah
    Oo hadii 1991 uu somalia ku soo
    Dhaxtuuray 4.5 aan hadana lagayeen
    Qabiilada uu iskudiraayo
    Xasan iyo geele waa rag is og
    Somaliduna waa aay taqaanaa
    2 nin inay yihiin qabiilestayaal

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.