Waxaa maanta oo Sabti ah waxaa baaqday Kulankii Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta lagu waday in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya
kulanka maanta ayaa xildhibaanadda loogu qeybin lahaa sharciga Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka, oo dhawaan la horgeeyay Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka , Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulanka markuu baaqday kaddib hadlay ayaa digniin adag u diray xildhibaanada aan kasoo qeyb gelin fadhiyada baarlamaanka.
Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay maqnaashaha badan ee xildhibaanada golaha shacabka ay curyaamineyso shaqadii looga fadhiyay xildhibaanada, waxa uuna ugu baaqay xildhibaanada in ay gutaan waajibaadkooda kana soo qeyb galaan kulamada baarlamaanka.
Leave a Reply