Waxa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.
Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay Soomaaliya ku taageeraan.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhexeeya wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo dowlad Goboleed.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.
Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka maaliyadda dalka iyo arrimaha kale oo muhiim u ah dib u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.
Shirka ayaa waxa aan ka soo qeybgalin wasiirka maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka wasiirrada maaliyadda.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Leave a Reply