Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.
Shirka waxaa sido kale ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) Siyaasiyiin,Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.
Leave a Reply