Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxay aqrinta Kowaad Marsiiyeen Sharciga Dhiiragalinta Maalgashiga iyo Sharciga Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana Shriciyadaan dhaliyeen dood adag.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya kaas oo dhigaya inuu Madaxwaynaha Magacaabo Gudi ka koobaan Sagaal Xubnood oo ka Madaxbanan barlamaanka Soomaaliya kuwaas oo heshiisyo la galay shirdaha Ajnabiga ah ee doonaya inay maal gashtaan dalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Barlaamnaka ayaa Gudiga uu soo gudbiyey Wasiirka qorshaynta ku timaamay waxaan la aqabali karin madaama aysan barlamaanka la keenayn.
Leave a Reply