Boliiska oo sheegay in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir

boliis

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa faah-faahin ka bixiyay ayaa weerarkii argagixisada Shabab kusoo qaadeen Xarunta Gobolka Banaadir.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay xarruunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guulaysteen in ay ka hortagaan weerarka Khawaarijta soo qaadeen.

Mudane Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in kooxda khawaarijta ee weerarka soo qaaday ka koobnayeen 6 dhagar qabe.

Afhayeenka ayaa sheegay mid kamid ah xubnaha khawaarijta uu isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha, halka shan xubnood oo kale la toogtay iyaga oo aan soo gaarin halkii ay u socdeen.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab. Tirada dadka rayidka ee dhintayna ay gaarayaan 6 ruux.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.