Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalada ku Booqday dadkii ku wax yeeloobay qaraxii shalay

jimcaale

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqa ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta si deg deg ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo dhibaatadii ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar oo ay dad ku wax yeeloobeen.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii kusoo wax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir, isagoo u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen dhagar qabayaal katirsan Khawaarijta, kuwaas oo daqiiqada kooban gudahooda ay toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo isugu jiray Tacsiyeen, iyo Mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.