Maamulka Galmudug oo Qaar kamida Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Khaadka

Galmudug

Maamulk Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Qaar kamida Deegaanada Maamusho waxay ka maamnuucday Keenista iyo Cunista Khadka.

War qoraala oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa lagu sheegay, Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-01-2023, waxaa ay ka mamnuucday deegaannada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Khawaariijta Alshabaab in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socdo.

Waxa ay wasaaradda u digtay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiisay dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga ay fartay laammaha ammaanka Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.