Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo bedelaya Taliye Xijaar oo xilkaas haayay sanno badan, uuna u magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.
Sulub Axmed ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, wuxuuna ka soo jeeda Jubbaland.
Taliye Xijaar oo Kasoo Jeeda Puntland ayaa Xilka Laga Qaaday isagoo hayey afar Sano ku dhawaad.
Leave a Reply