Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jamac ( Cabdi waayeel) ayaa Furay Shirka iskuxirka Arrimaha Xasilinta Galmudug.
Shirka Arrimaha Xasilinta oo ah shir si joogta ah loo qabto ayaa diirada lagu saaraa iskuxirka Arrimaha Xasilinta Waxaana kasoo qaybgala Dhamaan wasaaradaha Dowlada iyo Hay’adaha ka shaqeeya xasilinta.
Wasiir Cabdi waayeel ayaa ugu mahadceliyay Ha’adaha shaqoyinka ka bilaabay Degmooyinka cadawga laga Xoreeyay asagoo ugu baaqay inay laba jibaaraan hawlaha lagu caawinayo Bulshada ku nool degmooyinkaas
Sidoo kale shirka wxaa kasoo qaybgalay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed osmaan, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Omar Gure, wasiirka warfaafinta Galmudug, wasiir kuxigeenka wasaaradda Biyaha, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha caafimaadka, amniga iyo waxbarashada.
Wasiirada, agaasimayaasha iyo dhaman Hay’adaha meesha ka hadalay ayaa sheegay muhiiimada ay leedahay xoojinta kaalmada iyo Hormarada looga baahanyahay degmooyinka Cadawga laga xoreeyay.
Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa xil iska saaraysa xariirinta iyo isku duba ridka arrimaha xasilinta si dadka ku nool degmoyinka Xarardhere, Galcad iyo Ceeldheer ay uhelaaan kaalmooyinka degdeg ah xiliga ugu dhaw.
Leave a Reply