Dagaal culus ayaa saakay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool kadib Markii Ciidamada Muuse Biixi Weerar kusoo qaadeen Magaalada.
Masuuliyiin u hadlay SSC ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay saakay saddex jiho kasoo weerareen magaalada Laascaanood.
Madaxda dagaalka ee SSC ayaa sheegay inay gaadiid dagaal ka gubeen Ciidamada Muuse Biixi, sidoo kalena uu jiro khasare dhimasho iyo dhaawacba leh, dagaalkuna weli ka socdo meel Afar km dhinaca bariga uga beegan magaalada Laascaanood.
Leave a Reply