War Qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu cadeeyey Mowqifka Puntland ee la xiriira xeerarka isgaarsiinta iyo khidmada dheeraadka ee DFS.
Qaraalka ayaa lagu sheegay in Dowlada Puntland aysan quseyn xeerka la xiriira Isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Soomaaliya si iskeed ah go’aan uga gaartay.
Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri “inta laga gaarayo heshiis la xiriira dhaqaalaha, Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurka Puntland iyo xeerka isgaarsiinta iyo canshuuraha Puntland”.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa Horay u diiday ergayga Gaarka ee Xasan sheekh u Magacaabay Somaliland.
Leave a Reply