Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa waaran soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad u jartay rag sadex ah oo dil ka gaystay deegaanka Garasale kuwaas oo lagu sheegay inay ku sugan yihiin Guriga Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Mahad Salaad.
Ragaan Sadexda ah oo Magacyadooda yihiin Bile Axmed Aadan, Shakuur Macalin Xayir, Cabdul Xoosh Jaamac ayaa ku eedaysan inay 5 ninoo isku qoys ah ku dileen Deegaanka Garasle Bishii Ramadaan.
Ragaan Sadexda oo la baadi goobayey ayaa hada lagu sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan guruga Mahad Salaad ee Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply