Sawiro:Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo booqday hay’adda maaraynta masiibooyinka

dabageed

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta Booqday Xarunta Dhexe ee SoDMA,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa kawada hadlay Xaalada Magaalada Baladweyne iyo fatahaada ku dhuftay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxda hay’adda SoDMA ayaa ballan qaaday in taageero deg deg ah lala gaari doonaan dadka ka barakacay Fatahaadaha ku dhuftay Baladwayne, Sidoo kale Madaxda ayaa intaas raaciyay in diriyaan guddi horu dhac oo sii qiimeeya xaaladda meesha ka taagan.

Madaxwayne Yusuf Dabageed ayaa Madaxda hay’adda Maaraynta kaga mahadceliyay isku hawlidda iyo xal u helidda dhibaatada ka taagan halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.