Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay Aabe Cabdi Maxamed xalane oo dhawaan afar wiil uga dhimatay guri ku soo dumay.
Aabe Cabdi Maxamed Xalane (Jimcaale Gaab) ayaa ka mahadceliyay garab istaaga iyo taakuleynta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu u fidiyay Qoyskiisa kadib markii dhawaan 4 caruur ay kaga geeriyoodeen dhismo qadiimi ah oo kusoo dumay, kaasi oo ku yaala Degmada Shangaani.
Leave a Reply