Doolow:Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii ay ku qaadeen Ciidamada itoobiya

itoobiya

Warqad ay Alshabaab soo saareen ayey ku sheegteen weerarkii maanta lala beegsaday saldhig ay ciidamada itoobiya ku leeyihiin duleedka magaalada Doolow ee goblka Gedo.

Weerarka oo aysan weli ka hadlin Itoobiya iyo dawladda Soomaaliya midna, ayey Alshabaab ku sheegeen in uu ahaa laba qarax oo ay la kala beegsadeen saldhigga iyo keydka hubka ee ciidamada itoobiya ee halkaas ku sugan.

Ma jiro ilo madax bannaan oo laga xaqiijin karo balse waxay Alshabaab sheegteen in ay khasaare dhimasho iyo burbur ah ku geysteen weerarka.

Report From BBC Somali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.